45142

Ajay Devgan Oo Weerar Afkaa Ku Qaaday Hrithik Roshan.


2012-02-13 19:29:55


Jilaagaan canka ah ee Ajay Devgan ayaa amaanay Sanjay Dutt oo saaxibo isku dhaw yihiin halka uu dhinaca kale weerar culus ku qaaday Hrithik Roshan, Ajay ayaa yiri  guul kasto oo ka timaada filimka cusub ee "Agneepath" waxaa leh Sanjay Dutt waana in sidaas la ogaado.

Isbuucyadii lasoo dhaafay ayuu daawaday Ajay filimkaan wuxuuna kedib sheegay in Libaaxa filimku yahay Sanjay Dutt halka uu ku tilmaamay Hrithik Shabeel, filimkaan ayaa si wanaagsan ku bilowday wuxuuna guulo ka soo hooyay Shineemooyinka iyadoo warbaahintu si wanaagsan u amaaneen qab jiliinka Hrithik Roshan.

Ajay Devgan ayaa dhinaca kale sheegay in muuqaalka Hrithik Roshan lasoo baxay uu yahay wax beena oo la farsameeyay, laakiin su,aasha is weydiinta mudan ayaa ah muxuu Ajay ka doonayaa xidigaan weerarka intaas la egna ugu qaaday, iyadoo aanu ognahay in Hrithik ka mid yahay xidigaha ugu guulaha badan Bollywoodka waqtiyadii ugu dambeeyay.


Jilaa.com

Info@jilaa.com

-1
British - 2012-02-14 02:13:22 Wax lala yaabo maahan in weerar Lagu qaado nin bilaa macno u dhex taagan Bollywood-ka waana wax i cajab geliyey sida ay saxaafaddu ninkaan u Buunbuuniso ma keeno Action Flims Sidii ay Horay u sameeyeen Akshey Kumar Ajey Davgan Sunil Shatty Sanjey Dutt Waa dad ka daba imaan kara Cali Dheere & Jack Sharif Sanjay Dutt iskaba dhaaf wuxuu isku bedelay Soosaare Ajay weli wuu ka dhex muuqdaa Bollywood-ka Akshey kumar waa Actor laga Jecelyahay Sunil Shatty waa Maalgeliye weyn Muxu Sameeyey intii uu ku guda jiray Bollywood-ka ninkaani Waxaan ula Jeedaa Hrithik Roshan Ma muuqaalo qurxoon oo Gabdhaha lagu soo jiito ayuu jilaa mise waa nin Bariiska ka dhacsada Bollywood-ka waxaan qabaa inuusan Mucjiso kusoo Biirin Bollywood-ka
-4
muhis - 2012-02-14 03:46:03 british.....runta a aadan ka hadlin bini'aadamka neh lama xaqiro hadaan runta ka hadalno ninkaan..hrithik roshan ..inta guulo oo ka gaaray ajeey devgan....kama gaarin bollywood ka runta neh waxey tahay..( hrithik roshan ) inuu yahay actor guulo badan ka gaaray inta yar oo kasoo muuqday shaashada ama filimada waa actor qosol badan..waa nin romantic ah , action , dance , wax walbo woo ka sidaa.( ajeey devgan ...ugu yaraan over 20 yrs ayuu ku jiraa bollywood wax guulo badan oo ka gaaray neh ma jirto inta hrithik..ka gaaray hadii runta laga hadlo..ajeey hadii 5 flim jilo ..hal filim oo (hrithik roshan ..jilo ma gaarayo maxa yeelay waa nin aad iyo aad usoo jiidasho leh dabeecad neh leh qaabka oo u jilayo ee aad u wanagsantahay filimadiisa neh xiiso ayeey leeyihiin lasoco...loll
-1
saabir - 2012-02-14 04:46:55 ajay iyo salman ceebtooda maaha waa caadadooda ineey qofkii guul gaaro ka daba guryamaan bal hada muuqaalka hirthik ayuu wax ka sheega asaga iskuma jeedo miyaa wax soomaali u egba asaa ka jiro toloow ajay hooyadiis maa soomaali ah mise duruuf ayuu kusoo koray oo gaajo ayaa la hartay oo sidaan ka dhigtay teeda kale muuqaalka flimkii u dambeey maahan kiisa waa wax laga shaqeey waayoo muqaalkiisii hore ee uu flimada ku jili jiray iyo midkaan wax isku dhow maaha
+1
axmed - 2012-02-14 13:00:12 kkkkkkk asxaabey yan isku dheelin ajay devgn iyo hritik waa la yaqaan nin walba wuxu yahay ajay waa actor ka sanad walba isla keena comedy,action,policy filim uu leeyahay ajay oo sanadahan dambe qasaarayna majiro (all the best,golmaal 3,aakrosh,once upon time in mumbai,raajneeti,singham,dil toh baccha hai) all filimadaasi waa ay najaxeen waana 2 sano gudahood lkn hritik wuxu keenay (guzaarish iyo kites) labadoodaba flop ayay noqdeen marka hritik waa nin romance ah ku dooda lkn ajay magaaro mideeda kale ajay haduu yiri sanjay dutt waa libaax hritikna waa shabeel been maaha filimkaas qofka shiday waa sanjay dutt waxaadna ku ogan kartan abaalmarinaha waxaa qaatay sanjay dutt. haduu hritik abaal marino helay filimadiisii hore maaha micnaheeda inuu ka fiicanyahay ajay, sunil deol ba waagiisii hore abaal marino ayuu ku guleystay hadana qof film u dhiibaneyso malaha waxana jeclahay inad aqon iyeelatan bahasha iska hadal maaha
-1
hrithik - 2012-02-14 13:06:29 hrithik waa actor dayar aadna uga dhex muuqda bolywoodka maaha actor in la caayo mudan in la amaano mooyee waxaan dhihi karaa ajay wuuka maseeray waana wax lagu yaqaano inuu caayo ninkii kajol salaama ama film lajila wax nagu cusub maaha hrithik waa libaaxa bolywoodka
0
ajay devgaaaaaan - 2012-02-14 13:35:22 sxb horta wey kaa qaldan tahay kajol waligeed fil lama keenin hrithik ajayna wuxu ugu masero majirto wuxuuna sxb dhow la yahay aktaradii kajol filimada lakeeni jiray sida salman saif iyo aamir marka hrithik waa cunug odayga dhalay qol ugu xareeysan haduu run sheegaayo bal aktarada kale film hala keeno lkn devgan raga ugu waweyn bollywoodka ayuu dhibcaha ka aruursaday jilaa.com hadaad necebtihiin ajay noo sheega hadalkiina sidaasan ka dhadhamsaneyna ajay waxad nooga dhigteen sida inu hritik ka fiicanyahay maalin dhawaydna waxad no sheegeysen inu ajay yahay aktarka ugu taageeraha badan india oo qaatay phaskar award hadana wad no xumeyneysan fuckckckckckckck
+1
surjeet patel - 2012-04-06 09:32:21 very good
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
Please, use one email and name all the time, pretending multiple users might cuase you to be banned from Jilaa Comments.
 
 
Pharrell Willeams oo ku dhex ooyay barnaamijka Oprah ee OWN: VIDEO
Aishwarya oo Cannes ka waashay iyo Rani uga Baaqatay Waalidkeed Dartiis.